DHAGEYSO:Qoys ku nool Samburu oo raadinaya wiilkooda oo la waayay sanadkii hore

0
170

Qoys ku nool degmada Maralal oo ka tirsan ismaamulka Samburu ayaa dowladda ka codsadanaya inay ka caawiso sidii ay ku heli lahaayeen wiilkooda oo la waayay sanadkii hore.
Waxay sheegeen in Solomon Leneng’wes sanad ka hor laga afduubtay magaalada Nairobi.
Waxay intaasi ku dareen inay ku adkaatay inay cadaalad helaan in kastoo maqnaanshaha wiilkooda ay ku war geliyeen saraakiisha booliiska ee Langata iyo Kilimani.
Xubnaha qoyskan ayaa baaq u diray madaxweynaha dalka William Ruto iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Waxay xuseen in qoyska uu si wayn ugu tiirsanaa Solomon oo ganacsade ahaa sidaasi awgeedna laga soo billaabo ka hor doorashadii guud ee sanadkii 2022-kii xilligaasi oo dad ugu war dambeysay in qoyska uu soo foodsaaray culeys nololeed.