Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka ,Mithika Linturi ayaa sheegay in laga billaabo bisha koowaad ee sanadka soo socdo uu sii yaraan qoono qiimaha bacriminta.
Bacriminta oo horay lagu kala iibsanayay 7,000 oo shilin ayaa hadda ah 3,500 oo shilin waxaana lagu wadaa in hoos loo sii dhigo.
Wasiir Linturi ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in maamulka madaxweyne William Ruto ay ka go’an tahay yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda.