Mas’uuliyiinta xerada qaxootiga ee Xagardheer, ururka dhallinyarada iyo qaar ka mid ah ganacsatada xeradaasi ayaa cabasho ka muujiyay caqabado ay sheegeen inay kala kulmaan qaar ka mid ah dadka deegaanka Fafi ee qaxootiga marti geliyay.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in dadka deegaanka ay culeysyo saareen ganacsiga qaxootiga Xagardheer .
Qaar ka mid ah qaxootiga xeradaasi oo la hadlay warbaahinta Star ayaa dareenkooda sidan u muujiyey.
Waxgaradka dadka deegaanka Fafi oo ay qaxootiga ka cabanayaan oo aan la xiriirnay si ay uga jawaabaan dhaliilaha loo jeediyay ayaa ka gaabsaday inay hadda arrinkan ka hadlaan balse marka ay ka falceliyaan eedeynta uga timid qaxootiga waan idiin soo gudbin doonaa.
Sidoo kale xiriir aan la sameynay xildhibaanka deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa Saalax Yaaquub ayaan ilaa iyo hadda inoo suuragelin.




