Ka dib markii dhawaan dowladda Kenya ay oggolaatay diiwaangelinta qaxootiga cusub islamarkaana dib loo furay xerada cusub ee IFO2 ayaa waxaa kordhay qaxootiga cusub ee soo garaya xeradaasi.
Qaxootigan ayaa waxay ka imaadeen gobollada Jubbooyinka, Gedo, Bay, Bakool iyo gobolka Banaadir ee koonfurta dalka Soomaaliya.
Waxaa ay qaarkood wajahayaan duruufo adag ee dhanka nolosha ah.
Maxamad Baaruud Xuseen ayaa warbixintan Dadaab ka soo diray