DHAGEYSO:Qalabka Oksijiinka oo laga daahfuray isbitaalka wayn ee Garissa

0
180

Barasaabka ismaamulka Garissa Nadiif Jaamac Aadan ayaa maanta isbitaalka wayn ee Garissa xarigga uga jaray warshadda soo saareysa oksijiinka macmalka ah.
Waxaa mashruucan maalgelisay haya’adda horumarka caalamiga ee laga leeyahay Maraykanka ee USAID.
Guddoomiyaha Garissa oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan baahi wayn loo qabay.

Barasaab ku xigeenka Garissa Cabdi Dhaqane Muxumad ayaa dhankiisa xusay in xarumaha caafimaadka ee Garissa ay hadda yaallaan daawooyin dadweynaha ku filan oo la doonaya inay ka faa’iidaystaan isagoo dhanka kale carrabka ku adkeeyay in wixii hadda ka dambeeya gudaha ismaamulkaasi uunan qof ugu geeriyoon doonin oksijiin la’aan awgeed.