Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga haya talada wadanka ee UDA oo uu hor kacaya Xoghayaha Guud ee xisbiga Cleophas Malalah ayaa ku baaqay in xabsiga loo taxaabo madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimo La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxay ku eedeynayaan inuu carqaladeynaya dhaqaalaha wadanka isagoo adeegsanaya dibadbaxyo.
Malalah ayaa hoosta ka xarriiqay in kenyaanka marka ay sameeyeen dembiyo fudud la xiro sidaasi oo kalena la doonaya in Mr. Odinga lala xisaabtamo.
Madaxdan ayaa arrinkan ka hadlay xilli ay ku sugnaayeen magaalada Garseen ee ismaamulka Tana River.




