Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dowlad deegaanka Mombasa ayaa ka codsaday dowladda ismaamulkaasi in ay u diyaargarowda ka hortagga saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimillada ee loo yaqaano El Nino.
Senetarradda sida magacaabidda ku gashay aqalka sare ee dalka Miraji Cabdillaahi Kimby kana soo jeeda ismaamulka Mombasa ayaa sheegtay in maamulka dowlad deegaankaasi laga doonayo in xilli hore uu diyaar garow sameeyo maadaama roobab xooggan oo ka da’a ismaamulkaasi ay horseedi karaan daadad saameyn reeba.
Waxaa sidoo kale baaq sidaan la mid ah diray guddoomiyaha guddiga adeegyada waddooyinka ee mashruuca horumarinta ee loo yaqaano LAPSSET Cali Mbogo iyo guddoomiyaha dowlad dhexe ku matala ismaamulka Mombasa Cabdirisaaq Jaldesa.
Dhawaan ayay ahayd markii waaxda saadaasha hawada ee dalka ay soo saartay digniin ah in laga billaabo bisha Tobnaad ilaa bisha 12-aad ee sanadkan ay wadanka soo wajihi karaan xaaladaha cimillada ee loo yaqaano El Nino.
Xilliyadan oo ay soomaalidu u taqaano deyr biyo badan ayaa waxaa la diiwaangeliyaa roobab culus oo ay ka dhashaan daadad saameyn wayn reeba.