Xeryaha qaxootiga ee Dadaab waxaa ku nool carruur badan oo qabo xanuuno kala duwan oo aan waxbo looga qaban karin gudaha xeryaha.
Balse dhaqaale la’aan haysata waalidiinta carruurtan iyo xeryaha oo ay adag tahay in looga safro gudaha Kenya ayaa keentay in badankoodu ay la daruufaysan yihiin bukaano si fudud lagu daaweyn karo.
Dr.Cabdiqaadir Xuseen oo ku takhasusay xanuunada ku dhaca carruurta kana tirsan wasaaradda caafimaadka ee dalka oo dhawaan howlo baaritaano la xiriira caafimaadka ubadka u tagay xeryaha qaxootiga ee Dadaab ayaa sheegay in xanuunada ay qabaan carruurta xeryaha ay aad u badan yihiin isla markaana qaar ka mid ah wax looga qaban karo gudaha Kenya balse aysan jirin cid isku xil qaantay sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu u warramay Maxamad Baaruud Xuseen wuxuuna ugu horreyn ka jawaabaya waxa ay ku kala duwan yihiin xanuunada carruurta iyo kuwa dadka waawayn saameeya.