Qaadiga guud ee dalka Sheekh Cabdulxaliim Xuseen Athman ayaa sheegay in maanta ay tahay koowda bisha Ramadaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shalay gudaha wadanka laga xaqiijiyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Bisha ayaa laga arkay qaybo ka mid ah Mombasa, Lamu, Mambrui iyo Meru.
Waxaa uu dhanka kale muslimiinta ku boorriyay inay midnimadooda xoojiyaan oo ay caawiyaan dadka danyarta ah ee ku dhex nool.
Sidoo kale qaadiga guud ee dalka Sheekh Cabdulxaliim Xuseen Athman ayaa shirkadaha bixiya adeegyada biyaha, amniga iyo korontada ka codsaday in ay adeegyadan si buuxda ugu fidiyaan muslimiinta xilliga bisha Ramadaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay muslimiinta dalka ay intooda badan u ahayd maalinta koowaad ee Ramadaan ka dib markii maalinka Axadda fiidkii aragtida bisha laga xaqiijiyay degmada Takaba ee ismaamulka Mandera .