DHAGEYSO:Puntlnad oo sheegtay inay Soomaaliland ka hor istaagtay inay doorasho ka qabato gobolada S.S.C

0
470

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay inay Soomaaliland ka Hor istaageen inay Doorasho ka qabato deegaano ka tirsan gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn oo Labadaan Maamul ay ku Muransan yihiin.
Wasiir ku xigeenka Arimaha gudaha Maamulka Puntland Maxamed Musadaq ayaa Shir Jaraa’id oo uu Garoowe ku qabtay Wuxuu ku sheegay inay ku Guulaysteen inaysan Soomaaliland wax Doorasho ah ku qaban deegaanada qaar ee gobolada ay ku Muransan yihiin.
Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee Puntland wuxuu sheegay in Gobolada Sool,Sanaad,Cayn iyo gobol ay Puntland u taqaano Haylaan ay ka qayb qaadan doonaan Doorashooyinka Golaha deegaanka ee ay Qorshaynayaan.