DHAGEYSO:Puntland oo faahfahain ka bixisay markab la sheegay inuu soo caariyay

0
502

Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay Faahfaahin ka Bixiyeen Marka la sheegay inuu ku soo Caariyay Xeebaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Wasiirka Dekedaha Maamulka Puntland ayaa sheegay inay Cilada Markabku Timid kadib Markii Dabaylo Xooggan ay Xeebaha Boosaaso ka dhaceen ayan Sabab u noqo tahay.
Dhanka kale wasiir Ku xigeenka Dekedaha Maamulka Puntland Yaasiin Cartan Maxamed ayaa sheegay in guud ahaanba Ciladii la Xaliyay ayadoo aysan Wax Khasaare ah ka dhalan.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay,inay gacanta ku dhigeen,raggii fuliyay dil Magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sarkaal ka tirsanaa laanta dambi barista gobolka Mudug ee Puntland.
Waxaa uu sheegay guddoomiyuhu in markii ay dileen ay isku dayeen inay baxsadaan laakiin ay gacanta ku dhigeen hay’adaha Ammaanka islamarkaana ay dhawaan sharciga hor keeni doonaan.