Shir degdeg ah oo xalay ay yeesheen golaha Wasiirrada Puntland ayaa looga arrinsaday tallaabadii uu shalay qaaday baarlamaanka Soomaaliya.
Waxaa shirka guddoominayay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa waxaa tashi dheer ka dib lagu gaaray mowqifka maamulka ee ku aadan meelmarinta wax ka beddelka dastuurka ee ay gadaal ka riixaysay Villa Somalia.
Golaha Wasiirrada Puntland ayaa aqoonsiga kala laabtay dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijinayaan xogaha ka soo baxay shirkaasi
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu maamulka ku eedeeyay inuu jebiyey dastuurkii lagu doortay.
Sidoo kale golaha ayaa gaaray go’aan kale oo loo cuskaday qodobka 4-aad ee dastuurka dowladda Puntland.
Waxaa Warbaahinta la wadaagay go’aanka maamulkaasi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir.