DHAGEYSO:Orodyahaanada dalka oo lagu boorriyay inay maalgashi sameeyaan

0
230

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inuu jiro qorsho orodyahaannada iyo cayaartooyda kale ee dalka lagu siinaya aqoon kororsi la xiriira maaliyadda.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa orodyahaannada ku boorriyay in marka ay ka qayb galaan tartamada caalamiga ah oo ay billado soo qaataan , dhaqaalana uu soo galo inay maalgashi sameeystaan.
Waxaa uu arrin laga xumaado ku tilmaamay in orodyahaannada qaar ka mid ah ay noloshu ku adkaato marka ay tartamada ka fadhiistaan maadaama aynan siyaabo wanaagsan u isticmaalin lacagihii ay heleen.