Waxaa ololaha tallaalka jadeecada laga daahfuray magaalada Garissa, iyadoo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin ka socotay dowladdda dhexe, ismaamulka Garissa iyo saraakiil mataleysay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha carruurta ee UNICEF laanteed Kenya.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda caafimaadka ee dalka Peter Tum, barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jamaac iyo ku xigeenkiisa Cabdi Dhaqane ayaa dadka ugu baaqeen in carruurta laga tallaalo cudurka Jadeecada.