Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa warbixin ku sheegay in sanadkan dad ay tiradoodu gaaraysa 17,550 qof ay ku nafwaayeen shilal ka dhacay gudaha wadanka.
Tani ayaa u dhiganta sare u kac ah boqolkiiba 5.46.
NTSA ayaa laga soo xigtay in saameynta ugu badan ee dhacdooyinka shilalka inay soo gaartay dadka waddooyinka gudbaya iyo wadayaasha mootooyinka oo kala ah 1,413 iyo 1,046 .
Bishii Tobnaad ee sanadkan waxaa shil ku dhintay rakaab tiro ahaan dhan (693) iyo darawallada baabuurta oo ah (356)
Maamulka qaran ee gaadiidka ayaa sanadkii hore sheegay in dadka ku dhintay shilalka ay ahaayeen 16,642 qof.
NTSA ayaa intaasi ku dartay in shilalka ugu badan ee gudaha wadanka ay dhacaan laga billaabo Jimcada ilaa Axadda inta u dhexeysa 5-ta galabnimo ilaa 10-ka habeennimo.
Shilalka ugu badan ayaa la diiwaangeliyaa 8-da fiidnimo ee maalmahan.
Maamulka ayaa shilalka kordhay u aaneeyay hoos u dhac la xiriira dhaqangelinta xeerarka gaadiidka.
Sababaha waxaa ka mid ah in dadka qaar ay adeegsadaan meelo aan loogu tala gelin in laga gudbo waddooyinka , darawalliinta oo baabuurta kaxeeya iyagoo daallan maadaama ay saacado badan shaqeeyaan, gawaarida oo si xowli ah loogu wado waddooyinka waawayn iyo adeegsiga maandooriyaha.
Guddoomiyaha shirkadda baabuurta ee Mololine, Njoroge Bumasu ayaa sheegay inay darawalliinta u sameynayaan wacyigelin iyo baaritaano caafimaad si lagu yareeyo shilalka waddooyinka.
Arrimahan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Axadda soo socoto ee 20-ka bishan caalamka looga dabbaal degi doono maalinta la xusuusto dadkii shilalka ku nafwaayay.
Xuskan ayaa la qabtaa Axadda saddexaad ee bisha 11-aad sanad kasta.