DHAGEYSO:NTSA iyo booliska oo billaabay howlgal laga sameynaya waddooyinka

0
340

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA iyo waaxda qaran ee adeegga booliiska ayaa si wadajir ah u billaabay howlgallo laga fulinaya waddooyinka wadanka.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay la tacaalidda gaadiidleyda aan ilaalin xeerarka u degsan isticmaalka waddooyinka xiliigan lagu guda jira fasaxa gaalada ee Easter.
Howlgalkan ayaa sidoo kale ku soo aadaya ka dib markii shil shalay ka dhacay ismaamulka Migori ay ku dhinteen toban qof.
Dhanka kale mid ka mid ah wadayaasha gadiidka ayaa bogaadiyay howlgalka ay maanta billaabeen maamullada NTSA iyo NPS.