Shakhsi lala xiriiriyay inuu ku lug lahaa fal argagax leh ayaa xabsiga lagu hayn doonaa shan maalmood oo dheeraad ah.
Maxkamadda ismaamulka Kisii ayaa amartay in booliska ay xabsiga ku sii hayaan Alex Maina Ochogo.
Garsooraha maxkamadda Kisii , Christine Ogweno ayaa ka hadashay codsiga saraakiisha dacwad oogidda.
Waxaa lagu soo oogay dacwad ah in canugga yar oo lagu magacaabo Sagini Junior uu si arxaan darro ah labada indhood uga saaray.
Waxaa la sheegay in dhacdadaas ay gsysteen dad aan heybtooda la garan oo weerar soo qaaday hasa yeeshe Alex Maina , oo 26 sano jir ah, ayaa ah tuhmanaha ugu weyn ee kiiska canugaasi yar iyadoona ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada dambi baarista ee DCI-da.
Ochogo ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamadda magaalada Kisii iyadoo saraakiisha DCI-da ay dalbadeen in ninkaas xabsiga lagu sii hayo si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Dhanka kale, hooyada dhashay Sagini oo lagu magacaabo Maureen Nyaboke, oo 28 sano jir ah, ayaa iyadana la qabtay, waxaana lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad la xiriirta dayacaad carruureed.
Saddex tuhmane oo kale ayaa iyaguna su’aallo laga weydiiyay dhibaatada loo gaystay wiilka yar.
Eedeysanayaashan oo la wareysanayay 10 saacadood ka hor inta aan shalay galab la siidayn ayaa kala ah arday dhigta fasalka saddexaad ee dugsi sare oo halkaasi ku yaalla ,nin da’diisu lagu sheegay dhexdhexaad iyo haweeney.