DHAGEYSO:Nin lagu toogtay Kirinyaga

0
268

Waxaa lagu soo warramayaa in burcad hubeysan ay xalay nin ku toogatay magaalada Kagio ee ismaamulka Kirinyaga.
Nahason Njeru Kibuci oo ku magacdheer whiteline ayaa la dhaawacay.
Ganacsadahan ayaa sheegay inay soo weerareen ilaa saddex qof oo hubeysnaa.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay xarunta caafimaad ee Kagio Nursing Hospital ayuu xusay in laga toogtay dhanka gacanta.
Dhibbanaha ayaa intaasi ku daray in burcadda ay falkaasi ka dib ku baxsatay mooto.

Taliyaha booliiska ee deegaanka Ndia ,Wilson Koskei ayaa dhacdadan xaqiijiyay isagoo sheegay inay ku raadjoogaan tuhmanayaasha.