DHAGEYSO:Nin iyo xaaskiisa oo lagu dilay magaalada Banaaneey ee deegaanka Lagdera

0
543

Waxaa lagu soo warramayaa in tuulada Kambi Samaaki oo hoostagta magaalada Banaaneey ee deegaan baarlamaneedka Lagdera ee ismaamulka Garissa lagu dilay labo qof.
Abaare xalay fiidkii ayaa nin iyo xaaskiisa waxaa toogtay burcad soo weerartay, kuwaas oo isla goobta ku nafwaayay.
Bil ka hor ayaa isla tuuladaasi waxaa la qabadsiiyay dab, ka dib markii ay koox burcad ah soo weerareen.
Qaar ka mid ah odayaasha iyo mas’uuliyiinta magaalada Banaaneey ayaa la hadlay idaacadda Star Fm.