Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kiharu ee ismaamulka Murang’a, Ndindi Nyoro ayaa ku gacan seyray wada hadallada u socda isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza.
Waxaa uu ku andacooday in kenyaanka ay u dareereen sanadkii hore goobaha codbixinta islamarkaana ay doorteen madaxweynaha dalka William Ruto.
Ndindi Nyoro oo saaxiib dhow la ah madaxweyne William Ruto ayaa doonaya in la joojiyo wada hadallada madaama aysan natiijo ka soo bixi doonin sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa uu sheegay in maamulka talada wadanka haya ee Kenya Kwanza uu wadayo qorshiihiisa horumarineed ee ku aaddan kobcinta dhaqalaha wadanka iyadoo la taageerayo danyarta.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Ndindi Nyoro: Wada hadallada u socda mucaaradka iyo dowladda waa wakhti lumis