Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kiharu ee ismaamulka Murang’a, Ndindi Nyoro ayaa difaacay go’aammada adag ee la xiriira dhaqaalaha ee ay qaadanaysa dowladda dhexe gaar ahaan uruurinta canshuuraha dheeraadka.
Waxaa uu xusay in go’aamadan ay kaalin ka qaadanayaan isbeddello wadanka lagu horumarinayo.
Ndidi Nyoro ayaa ku boorriyay dowladda dhexe, golaha qaran ee xeer dejinta iyo garsoorka inay u midoobaan hirgelinta qorshayaasha horumarineed.
Waxaa uu waaxda garsoorka ugu baaqay inaysan caqabad ku noqon hirgelinta mashaariicda horumarineed ee dowladda islamarkaana ay eegaan danaha Kenyaanka.