Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa maanta soo bandhigay liiska meelaha laga cabsi qabo inay ka dhacaan rabshado la xiriira doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu guddiga sheegay in ismaamullada Nairobi, Mombasa iyo Kisumu ay halis sare ugu jiraan inay ka dhacaan rabshado la xiriira doorashada guud ee soo socoto.
Guddoomiyaha guddiga farsamada ee NCIC Danvas Makori, ayaa sheegay in dowlad deegaannada kala ah Nakuru, Uasin Gishu iyo Kericho ay sidoo kale ka mid yihiin ismaamullada cabsida sare laga qabo inay rabshado ka dhacan.
Waxaa uu xusay in guud ahaan dalka ay ka jiraan hadallo naceyb ah oo ay jeedinayaan siyaasiyiinta, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwa horseedi karo kala qaybsanaan iyo kicin dadweyene.
Ismaamulka Nairobi ayaa hoggaaminaya meelaha laga cabsida qabo inay ka dhacaan falal rabshado la xiriira xilliga doorashada guud ee soo socoto boqolkiiba 79.85 halka dowlad deegaannada Nakuru 75% Kericho 74% Uasin Gishu 72.25% Kisumu 72% iyo Mombasa 71.15%
Guddiga NCIC ayaa dhanka kale sheegay in 23 ismaamul aynan halis sare uga jirin inay ka dhacan rabshado la xiriira doorashada.
Dowlad deegaannada ayaa kala ah Kisii, Elgeyo Marakwet, Nyamira, Migori, Kilifi, Bungoma, Garissa, Mandera, Galbeedka Pokot, Kiambu, Wajeer, Kirinyaga, Tana River, Murang’a Kakamega, Homa Bay, Vihiga, Turkana, Siaya, Kwale, Machakos, Tran Nzoia iyo Nyeri.
Sidoo kale 8 ismaamul oo kala ah Kajiado, Kitui, Tharaka Nithi, Taita Taveta, Busia, Makueni, Nyandarua iyo Embu, ayaa halis hoose uga jira inay rabshado la xiriira doorashada ay ka dhacaan.
Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa adeegsanaya hal ku-dhigga #ElectionsBilaNoma oo ay micnaheedu tahay doorashooyin nabad ah
Dhanka kale Danvas Makori oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee guddiga NCIC ayaa warbaahinta uga warramay sida lagu ogaaday in ismaamulladan ay rabshado la xiriira doorashada guud saameyn karaan
'The government shall remain vigilant & proactive to ensure peace prevails in the six high risk counties. We will deploy more resources to ensure tolerance is restored & peace prevails' CS @InteriorKE @FredMatiangi #ElectionsBilaNoma #DumishaAmani @IEBCKenya @StateHouseKenya pic.twitter.com/EjlOaAuj2V
— NCIC Kenya (@NCIC_Kenya) May 31, 2022