Xeryaha qaxootiga ee Dadaab waxaa ku nool dad badan oo qabo baahiyaha gaarka ah ee kala duwan.
Dadkan ayaa wajaha xaalado adag oo dhanka noolasha ah waxaana saameeyn ku yeeshay hoos u dhaca dhaqaale ee hay’adaha samafalka ee ka howlgala xeryaha kuwaas oo tageero kooban siiya bulshada naafada ah.
Sidoo kale waxay saameyn ka soo gaartay sicir bararka maciishadda xeryaha oo qaali ah waxayna dareemayaan culeysyo badan .
Bulaale Cabdi Faarax waa guddomiyaha dadka naafada ee xeryaha qaxootiga ee Dadaab wuxuuna u warramay Maxamad Baaruud Xuseen .




