DHAGEYSO:Mwangi Kiunjuri oo sheegay in xisbiyada bartamaha dalka aan meesha laga saari doonin

0
414

Madaxa xisbiga TSP horayna u soo noqday wasiirkii beeraha Mwangi Kiunjuri ayaa sheegay in aan la jebin doonin xisbiyada siyaasadeed ee gobolka bartamaha wadanka si ay ugu biiraan UDA.
Siyaasigan ayaa carrabka ku adkeeyay in hadii ay dantu keento ay garab siinayaan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyagoo adeegsanaya xisbiyadooda si uu ula wareego hoggaanka wadanka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in madaxda ismaamullada gobolka bartamaha ay midoobaan ka hor inta aynan ka hadlin mideynta kenyaanka.

Waxaa uu qorshuhu yahay in maalinka Talaadada magaalada Thika ee ismaamulka Kiambu lagu qabto shir lagu xoojinayo midnimada siyaasiyiinta bartamaha wadanka.