Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cadeeyay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto Al-shabaab isagoo ka digay in la taageero argagixisada.
Sidoo kale waxaa uu dhammaan hay’adaha dowladda ku amray inay caawiyaan dadka ay waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyadii ka dhacay Muqdisho.
Madaxweynaha waxaa uu xusay inay dowladdu ku dadaali doonto sidii carruurta ay waalidiintooda ku dhinteen qaraxyada ay ku heli lahaayeen waxbarasho lacag la’aan ah.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada.




