DHAGEYSO:Musharrax madaxweyne oo magaciisa laga tagay oo wacad ku maray in Kenya ay doorasho ka dhaceynin

0
595

Barasaabka ismaamulka Murang’a ahna musharraxa madaxweyne ee xisbiga Usawa Kwa Wote Mwangi Wa Iria ayaa ku eedeeyay guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC inay ka saareen magaciisa diiwaanka musharrixiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka.
Wa Iria ayaa buuq ka abuuray xarunta Bomas ee magaalada Nairobi oo ay ka socoto ansixinta musharrixiinta ka dib markii saraakiisha ammaanka ay ka hor istaageen inuu galo goobta si loo turxaan bixiyo.
Waxaa uu ku dooday inuu soo buuxiyay shuruudaha laga doonayo ee dastuuriga ah.
Mr. Wa Iria ayaa sheegay in guddiga IEBC uu u gudbiyay saxiixyada caadiga ah, sidoo kale iyagoo elektoroonig ah ee taageerayaal dhan 48,000 islamarkaana 24 ka mid ah 47-da deegaan ee wadanka uu ka leeyahay min 2,000 oo taageerayaal ah.
Waxaa uu wacad ku maray in doorasho ay ka dhaceynin wadanka haddii uu magaciisa ka waayo diiwaanka musharrixiinta xilka madaxweynaha.
Waxaa uu intaasi ku daray in khasab ay tahay in magaciisa uu ku arko sanduuqa codbixinta ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan