DHAGEYSO:Musalia Mudavadi oo sheegay in canshuurta la yareyn doono marka uu wanaagsanaado dhaqaalaha dalka

0
208

Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi oo wareysi gaar ah siinayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in canshuuraha laga qaadaya kenyaanka la yareyn doono marka uu xasilo dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu difaacay canshuurta dheeraadka ee la soo rogay isagoo ku tilmaamay arrin aan laga fuursan karin marka la eego xaaladda dhaqaale.
Musalia Mudavadi ayaa kenyaanka ka codsaday inay dowladda ugu dulqaataan dadaallada ay ku bixinaysa sidii hoos loogu dhigi lahaa qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Waxaa uu sheegay in kenyaanka laga doonayo inay wadaniyad muujiyaan oo aynan qarankooda ceebeyn maadaama sida uu hadalka u dhigay maamulka Kenya Kwanza uu ku dadaalaya wanaajinta nolosha shacabka.
Musalia Mudavadi ayaa dhanka kale sheegay in wasiirrada isaga hoos tago uu si dhow ula shaqeeyo oo uu mid kasta dhankiisa ka dadaalaya.
Waxaa uu tilmaamay in kastoo shirkadaha sameeya cilmi baarista ay warbixinno ka soo saaraan sida ay u arkaan waxqabadka wasiirrada dalka haddana inuu jiro heshiis wasiir kasta lala galay oo ku aaddan qaabka laga doonaya inuu qaranka ugu adeego.
Musalia ayaa sheegay in maadaama uu sanadku gabagabo yahay in la eegi doono in wasiir kasta uu ku guulaystay bartilmaameedkii shaqo ee lagula heshiiyay.

Mar wax laga waydiiyay amaahda ay dowladda Kenya ka qaadato sanduuqa caalamiga ee lacagaha ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayuu Mudavadi hoosta ka xarriiqay in deymahan ay yihiin kuwo leh dulsaar lacageed oo aan badnayn.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladdu ay ka shaqeynaysa sidii loo yareyn lahaa deymaha shisheeye ee lagu leeyahay wadanka.