DHAGEYSO:Murkomen oo sheegay in loo baahan yahay 700 oo bilyan oo lagu dhameystiraya waddooyin

0
286

Wasiirka wasaaradda waddooyinka iyo gaadiidka ee dalka Mr.Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in wasaaradiisa ay u baahan tahay ugu yaraan 700 oo bilyan oo shilin.
Dhaqaalahan ayuu xusay in loo adeegsanaya dhameystirka mashaariicda waddooyinka ee la billaabay xilligii madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta.
Murokomen ayaa hoosta ka xarriiqay in maamulka talada wadanka haya ay ka go’an tahay dhameystirka waddooyinkan iyadoo mudnaan la siinaya deegaan baarlamaneedyada ku dambeeya dhanka horumarka.

Wasiirka gaadiidka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu kormeerayay waddooyin laga hirgelinaya deegaanka Chepalungu ee ismaamulka Bomet.