DHAGEYSO:Murkomen oo Raila ugu baaqay inuu u oggolaado xildhibaannada ODM inay la shaqeeyaan dowladda

0
201

Wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud Kipchumba Murkomen ayaa ka codsaday hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga inuu u oggolaado xildhibaannada xisbiga ODM inay la shaqeeyaan dowladda iyo madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa uu xusay in shakhsi waliba uu xaq u leeyahay inuu la kulmo hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii xisbiga mucaaradka ee ODM uu xisbigan ka saaray xubno uu ku eedeyay inay taageersan yihiin maamulka madaxweyne William Ruto oo ayna la shaqeynayaan.