DHAGEYSO:Murkomen oo baaq u diray Uhuru

0
383

Wasiirka wasaaradda waddooyinka, gaadiidka iyo howlaha guud ee dalka ,Kipchumba Murkomen ayaa madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ugu baaqay inuunan madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga garab ku siin mucaaradidda dowladda.
Murkomen ayaa sheegay in dowladda dhexe ay Mr. Odinga si shakhsiyeed ugula xisaabtami doonto khasaaraha ka dhashay dibadbaxyada.
Wasiirka gaadiidka ayaa sidoo kale Raila Odinga ku boorriyay inuu ka laabto go’aanka ah inay Arbacada dib u billabayaan dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda ee lagu dalbanaya in laga laabto dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan sidoo kalena ay dowladdu qaado tallaabooyin hoos loogu dhigaya qiimaha sarreeya ee maciishadda.