Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhiiri galinayay qaar ka mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Muqdisho.
Munaasabadaan ayaa waxaa soo agaasinta shirkada Premeir Airline waxayn lacago siisay qoysas iyo shaqsiyaad danyar ah oo badankoodu baahiyaha gaarka ah qaba.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka qaybgalay madaxda shirkada,masuuliyiin dowlada ka tirsan iyo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed waxayna dhamaan bulshada Soomaaliyeed ka codsadeen inay garab istaagaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Munaasabad lagu dhiiragalinayay dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo Muqdisho lagu qabtay