DHAGEYSO:Muddo dheer ka dib maydka Luul Cabdicasiis oo maanta la aasay

0
269

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay maydka Alle ha u naxariistee Luul Cabdicasiis oo bishii Koowaad ee sanadkan ninkeedii ku gubay Muqdisho, sida ay xaqiijisay maxkamadda gobolka Banaadir.
Maydka marxuumadda ayaa laga soo saaray qaboojiyahii ay ku jirtay oo yaallay isbitaalka Digfeer oo ay ku keydsanayd muddo ka badan hal bil.
Aasitaanka Luul ayaa waxaa maalin ka hor shaaciyay aabaha dhalay marxuumadda Cabdicasiis Maxamad, ka dib markii maxkamadda gobolka Banaadir ay xukun dil toogasho ah ku ridday ninkii gubay Sayid Cali Macallin Daa’uud.
Dadweyne fara badan oo isugu jira ehelka qoyska marxuumadda iyo qaar la dareen ah ayaa ka qayb galay aaska marxuumadda oo ifka kaga tagtay 6 caruur ah oo horay uu u dhintay aabahood, kuwaas oo haddana noqday rajo.
Qaar ka mid ah qoyskeeda ayaa warbaahinta dareenkooda la wadaagay.