Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Kenya Kwanza uu ku dadaalaya sidii loo xallin lahaa dhibaatooyinka dhaqaale ee taagan.
Maamulkii hore ee Uhuru Kenyatta ayuu ku eedeyay inuu sababay dhaqaale xumida hadda la dareemaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe aynan weli miisaaniyad hor geyn baarlamaanka oo maaliyadda la adeegsanaya ay tahay midii horay loo dejiyay.
Musalia Mudavadi ayaa xusay in maadaama uu xilligii ololaha doorashada si wayn u hadal hayay kobcinta dhaqaalaha dalka uuna hadda ka tirsan yahay dowladda dhexe inuu ka dhabeyn doono arrinkaasi.




