DHAGEYSO:Mudavadi oo ku baaqay in madaxweynaha waqti la siiyo si uu qaranka ugu adeego

0
274

Madaxa wasiirrada ee dalka , Musalia Mudavadi ayaa siyaasiyiinta ka tirsan isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ugu baaqay inay madaxweynaha dalka William Ruto fursad u siiyaan u adeegidda shacabka.
Waxaa uu sheegay in William Ruto uu hoggaanka la wareegay iyadoo dalka lagu leeyahay deymo badan oo shisheeye.
Mudavadi ayaa tilmaamay in madaxweynaha uunan doonayn in Kenya ay qaadato amaah shisheeye oo dheeraad ah taasina ay tahay sababta uu xoogga u saaraya tallaabooyinka maxalliga ee dakhli uruurinta.
Sidoo kale madaxa wasiirrada ee dalka ayaa siyaasiyiinta uga digay inay qowmiyadahooda gabbaad ka dhigtaan iyagoo fushanaya dano u gaar ah.