DHAGEYSO:Mudavadi oo dalbaday in la xiro shakhsiyaadka ku lugta leh bacriminta faaliska ah

0
231

Madaxa wasiirrada dalka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi ayaa laamaha dambi baarista ka dalbaday in ay gacanta ku dhigaan oo dacwad lagu soo oogo shakhsiyaadka bakhaarka qaran ee lagu kaydiyo dalagga ee NCPB ka iibiyay bacrimin aynan tayadeedu gaarsiisnayn halkii la rabay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay qasab tahay in arrinkan dabagal qoto dheer lagu sameeyo oo la is kula xisaabtamo.
Musalia Mudavadi ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Bomet sheegay in soo saaridda cuntada ay ka mid tahay waxyaabaha muhiimka ah oo aan la fududeysan karin.

Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xannaanada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa dhankiisa sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii arrinkan looga sal gaari lahaa.