DHAGEYSO:Mucaaradka Puntland “Deni wuxuu doonaya inuu Puntland burburiyo uuna ku gorgortamo nabadgalyada iyo xasiloonida shacabka”

0
289

Madasha mucaaradka ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxay maamulka talada haya uga digeen muddo kororsi.
Waxaa ay sheegeen inay qaadi doonaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo inay qabsoonto doorashada madaxtinimo ee Puntland.
Dallada mucaaradka ee Puntland ayaa waxay ugu baaqeen isimada maamulkaasi iyo waxgaradka inay meel uga soo wada jeestaan sida ay hadalka u dhigeen madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanaya ee Saciid Cabdullaahi Deni.