Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja -One Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay in aynan dowladda talada haysa heshiis la saxiixan doonin haddii aynan wax ka qaban sicir bararka nololeed ee wadanka ka jira.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed ee ay kala hoggaaminayaan madaxa aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah iyo Kalonzo Musyoka oo ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee mucaaradka ay sidoo kale qasab tahay inuu ku heshiiyo in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo natiijadii doorashadii guud ee sanadkii hore.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo muddo xileedka guddigan oo ah saddex bilood ay ku egtahay 26-ka bishan si uu baarlamaanka ugu gudbiyo warbixinta ku aaddan waxyaabaha ka soo baxay wada hadallada.
Waxaa uu qorshuhu yahay in toddobaadka dambe ay xubnaha guddiga wada xaajoodyada siyaasadeed billaabaan fadhiyo ay ku qorayaan warbixintooda.
Hasa ahaate Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa ku adkeysanaya in aan wax is afgarad ah la gaari karin inta si buuxda looga xallinaya qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo baaritaannada doorashadii guud ee bishii Siddeedaad ee 2022-kii.
Waxaa uu walaac ka muujiyay culeysyada nololeed ee ay kenyaanka wajahayaan isagoo dowladda dhexe ku dhaliilay inaynan ka go’nayn inay hoos u dhigto qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Dhanka kale Raila Odinga ayaa shaaciyay in xisbiga uu hoggaamiyo ee ODM uu leeyahay qorsho uu guud ahaan wadanka uga sameynaya diiwaangelin heer qaran ah si uu u ballaariyo xubnihiisa iyo saameyntiisa siyaasadeed.
Waxaa uu sheegay in doorashooyinka qaran ee xisbiga la qaban doono bisha Labaad ee sanadka 2024-ta.
Diiwaangelinta ayaa bilaaban doonto bishan 11-aad dhexdeeda.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli isaga iyo barasaabka ismaamulka Mombasa Cabdulswamad Shariif Naasir ay si rasmi ah u daahfureen agab caafimaad.
Barasaabka Mombasa, Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa dhankiisa sheegay in agabka caafimaad ee ay daahfureen uu qiimihiisa lacageed yahay 50 milyan oo shilin sidaasi awgeedna la gaarsiin doono dhammaan isbitaallada ku yaalla ismaamulkaasi.
Sidoo kale waxaa uu qorshuhu yahay in 6-da deegaan baarlamaneed ee Mombasa uu dhawaan mid waliba yeesho xarun caafimaad oo shaqeynaysa 24-ka saacadood si culeyska looga fududeeyo isbitaalka guud ee Xeebta ee Coast General.