DHAGEYSO:Mucaaradka oo sheegay in aynan saxiixi doonin warbixinta wada hadallada haddii aan la tixgelin sicir bararka jira

0
296

Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa wacad ku maray in aynan saxiixi doonin warbixinta uu baarlamaanka u gudbinaya guddiga wada hadallada qaran ee siyaasadeed haddii aan lagu tixgelin rabitaanka shacabka.
Madaxa xisbiga Wiper , Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in laga billaabo berri ay guda geli doonaan inay warbixintooda qoraan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay doonayaan in la tixgeliyo soo jeedintoodii ahayd yareynta qiimaha sarreeya ee maciishadda iyo in dowladdu ay ka laabato dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan.
Musyoka ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii aan arrimahan mudnaan la siin in garabka mucaaradka ee Azimio uunan warbixintaasi saxiixi doonin taasoo sida uu hadalka u dhigay caqabad ku noqon karto tallaabada xigta ee baarlamaanka dalka loogu gudbinaya.