DHAGEYSO:Mucaaradka oo Khamiista shaacin doono go’aankiisa ku aaddan hindise maaliyadeedka

0
386

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa sheegay inay maalinka Khamiista ah caddeyn doonaan mowqifkooda ku aaddan hindisaha maaliyadda ee sanadkan 2023-ka ee si wayn looga hadal hayo gudaha wadanka.
Mr. Odinga ayaa sheegay inay maalinkaasi soo saari doonaan bayaan faahfaahsan oo ku saabsan sababaha ay uga soo horjeedaan qorshahan.
Madaxa mucaaradka oo horay u dhaliilay hindise maaliyadeedka baarlamaanka loo gudbinaya ayaa sheegay in siyaasiyiinta ka tirsan Azimio lagula taliyay inay ka soo horjeestaan ansixinta hindisaha Finance Bill 2023.
Waxyaabaha hindisaha ku xusan waxaa ka mid ah in canshuurta badeecooyinka iyo adeegyada ee VAT laga dhigo boqolkiiba 16.
Raila Odinga ayaa madaxda taageeraya hindisaha maaliyadda ku tilmaamay cadowga shacabka.

Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 15-ka bishan wasiirka wasaaradda maaliyadda Prof. Njuguna Ndung’u uu baarlamaanka u bandhigo qorshaha sanad maaliyadeedka 2023/2024-ka.