Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa maanta fagaaraha Kamukunji Grounds ee ismaamulka Nairobi iyo deegaannada kale ee dalka ku qaban doono isku soo bax shacab.
Madaxa mucaaradka dalka Raila Odinga ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo tallaabooyinka xiga ee ay xubnaha iyo taageerayaasha Azimio qaadi doonaan.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta garabka mucaaradka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in marka ay isugu tagaan fagaaraha Kamukunji ka dib ay dibadbax nabad ah ka dhigi doonaan gudaha magaalada Nairobi.
Meelaha isku soo baxyada lagu qabanaya waxaa ka mid ah ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta.
Maxamad Cabdi Bootaan ayaa noo warramaya.




