Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja –One Kenya oo ay ka mid yihiin Kalonzo Musyoka, Eugene Wamalwa iyo Jeremiah Kioni ayaa wacad ku maray in ay guud ahaan dalka ka sameyn doonaan dibadbaxyo hadii baarlamaanka uu ansixiyo hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.
Waxay hoosta ka xarriiqeen in qorshaha dowladda uu culeysyo dheeraad ah ku keeni doono shacabka hadda la daala dhacaya sicir bararka nololeed.
Madaxdan ayaa xilli ay ku sugnaayeen deegaanka Kamukunji ee ismaamulka Nairobi carrabka ku adkeeyay in aynan suuragal ahayn in canshuur dheeraad ah la saaro cuntooyinka aasaasiga ee uu rootiga ka midka yahay.
Sidoo kale waxay xubnaha baarlamaanka ee ka tirsan isbeheysiga Azimio ugu baaqeen in aynan codkooda ku taageerin hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2024.