Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa wasiirka wasaaradda ganacsiga, warshadaha iyo maalgashiga ee dalka ,Moses Kuria ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Tani ayaa timid ka dib markii wasiirka lala xiriiriyay fadeexad la rumeysan yahay in lagu lunsaday 6 bilyan oo shilin sida ay tabisay warbaahinta maxalliga ee Nation.
Sidoo kale Moses Kuria ayaa dhaliil kala kulmay golaha warbaahinta ee dalka ee MCK, ururka tifaftirayaasha ee KEG, midowga wariyaasha dalka ee KUJ iyo qaybo kale ka dib markii uu aflagaadeeyay mid ka mid ah warbaahinnada maxalliga ah oo uu u sheegay inay isku beddelaan xisbi mucaarad ah.
Moses Kuria ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay in tallaabo laga qaadaya hay’ad ka tirsan dowladda oo ay xayeysiin u sameyso warbaahinta Nation
Kwa wale malaya wa Agha Khan pale Nation Centre. You can still advertise auctioneers and funeral announcements. We will not stop those
— CS Moses Kuria (@HonMoses_Kuria) June 18, 2023
NSE Today pic.twitter.com/Vv5GKVekY2
— CS Moses Kuria (@HonMoses_Kuria) June 19, 2023
Daily Nation Page 15. Not good pic.twitter.com/Do8vaBLzPc
— CS Moses Kuria (@HonMoses_Kuria) June 19, 2023