DHAGEYSO:Mucaaradka Azimio oo sheegay in uunan waxba iska beddelin qorshaha dibadbaxyada

0
197

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja- One Kenya ayaa sheegay in uunan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid qorshaha ah inay gudaha wadanka dibadbaxyo ka dhigaan maalmaha Arbacada, Khamiista iyo Jimcada ee toddobaad kasta.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka ,Opiyo Wandayi oo warbaahinta kula hadlay xarunta Jaramogi Oginga Odinga Foundation (JOOF) ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in aynan marnaba ka gaabin doonin inay dhigaan dibadbaxyo nabad ah iyagoo adeegsanaya xuquuqdooda dastuuriga ah.
Mudanaha deegaan baarlamaneedka Ugunja ayaa sheegay in aynan jirin awood maamul oo looga hor istaagi karo mudaaharaadyada qorsheysan xita haddii ay yihiin madaxweynaha dalka William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua, wasiirka arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki ama hay’ad dowladeed.
Waxaa uu intaasi ku daray in ololaha lagu uruurinaya 15 milyan oo ah saxiixyada ka dhanka ah madaxweyne William Ruto inuu socdo.
11-kii bishan ayay ahayd markii hoggaamiyaha mucaaradka dalka , Raila Odinga uu sheegay inay heleen in ka badan 1.2 milyan oo saxiixyada shacabka ah.
Opiyo Wandayi ayaa dhanka kale madaxweyne William Ruto ka dalbaday inuu xafiiska baneeyo oo uu qirto gaabadka maamulkiisa.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweynaha dalka Dr.William Ruto, ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua iyo wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Prof. Kithure Kindiki ay dhammaantood sheegeen in aanan marnaba gudaha wadanka laga oggolaan karin dibadbaxyo rabshadeysan waxayna hoosta ka xarriiqeen in saraakiisha ammaanka ay sida ku habboon uga falcelinayaan falalka lagu waxyeeleeyo badqabka shacabka, hantidooda iyo kaabayaasha horumarineed.
Madaxda ayaa hoosta ka xarriiqay in aanan marnaba loo dul qaadan doonin carqaladeynta howlaha dhaqaale ee dalka.
Mucaaradka ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in uunan marnaba tixgelin doonin digniinnada dowladda si meesha looga saaro dibadbaxyada lagu dalbanaya in laga laabto dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan iyo sidoo kale in dowladda dhexe ay qaado tallaabooyin lagu yareynaya qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Koonfurta Kilifi ee gobolka Xeebta ,Richard Ken Chonga ayaa sheegay in aan wax ka qabashada baahiyaha shacabka marnaba lagu hor istaagi karin digniino dowladeed.