Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja –One Kenya ayaa shaaciyay in laga billaabo toddobaadka soo socdo ay isbuuc kasta dibadbaxyo sameyn doonaan maalmaha Isniinta, Talaadada iyo Arbacada.
Waxaa sidatan sheegay Xoghayaha Guud ee xisbiga ODM ahna senatarka ismaamulka Nairobi, Edwin Sifuna oo saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda ay socon doonaan ilaa iyo inta maamulka madaxweyne William Ruto uu ka dareemaya culeyska nololeed ee haysta shacabka.
Azimio ayaa dibadbaxyada ay dhigayaan ku saleynaya cadaadis ay saarayaan dowladda si looga laabto dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan oo waxyaabaha uu xambaarsan yahay ay ka mid tahay in qiimaha canshuurta ee laga qaado badeecooyinka shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 in laga dhigay boqolkiiba 16.
Sidoo kale mucaaradka ayaa dalbanaya in dowladdu ay qaado tallaabooyin lagu yareynaya qiimaha sarreeya ee maciishadda.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda tirada guud ee dadka ku dhintay dibadbaxyadii shalay iyo kuwii Jimcihii ay tahay 15 qof.
Senator Edwin Sifuna: Kenya Kwanza cannot order the arrest of Raila Odinga. From next week, we will have three days straight of protests from Monday to Wednesday until President Ruto listens to Kenyans #DayBreak @TrevorOmbija pic.twitter.com/oknrrOFbGJ
— Citizen TV Kenya (@citizentvkenya) July 13, 2023




