Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula ayaa dadweynaha ku boorriyay in madaxda kala duwan ee ay soo doorteen ay siiyaan fursad ay ugu adeegaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiinta laga doonayo inay isku yimaadaan oo ay xalliyaan caqabadaha jira .
Moses Wetangula ayaa ku taliyay in laga digtoonaado in tartanka siyaasadeed uu dalka burbur u horseedo.
Waxaa uu tilmaamay in aan loo baahnayn in marnaba siyaasadda ay cadaawad ka dhex abuurto madaxda.
Arrintan ayuu ka sheegay deegaanka Koonfurta Teso ee ismaamulka Busia.