DHAGEYSO:Mombasa: In ka badan 45 qof oo loo xiray isticmaalka shiishadda

0
218

Ugu yaraan 45 ruux ayaa lagu xiray ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ka dib howlgal uu fuliyay maamulka qaran ee qaabilsan la dagaallanka maandooriyaha ee NACADA.
Howlgalka ayaa laga sameeyay goobo dhowr ah oo shiishadda lagu isticmaalo oo ku yaalla deegaan baarlamaneedka Nyali.
NACADA ayaa sheegtay in howlgalka xalay lagu soo helay in ka badan 50 ah agabka shiishadda iyo ugu yaraan 10 kaartoon oo ay ku jiraan waxyaabaha laga sameeyo.
Madaxa fulinta ee maamulka NACADA ,Anthony Omerikwa ayaa sheegay in howlgalladan la sii xoojin doono guud ahaan wadanka.
Mr. Anthony ayaa warbaahinta u sheegay in dadka la qabtay ay 29 ka mid ah rag yihiin.
Waxaa uu milkiilayaasha goobaha lagu caweeyo kula taliyay inay u hoggaansamaan xeerarka u degsan xarumahan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in maamulka NACADA uunan marnaba ka gaabin doonin la dagaallanka ka ganacsiga iyo isticmaalka balwadda.
Shakhsiyaadka la xiray ayaa lagu wadaa in berri maxkamadda la soo taago si ay dacwado u wajahaan.
Xasan Cali oo ka mid ah dadka ka shaqeeya mid ka mid ah goobaha xalay howlgalka laga sameeyay ayaa warbaahinta la hadlay.

Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii gudaha dalka Kenya laga mamnuucay in wadanka la soo geliyo, lagu dhex isticmaalo , lagu dhex sameeyo , la qaybiyo ama la xayeysiiyo shiishadda.
Sidoo kale lama dhiirrigelin karo lamana fududeyn karo isticmaalkeeda.
Cidii aan xeerkan u hoggaansamin waxay muteysanaysa ganaax lacageed oo ah ugu yaraan 50,000 oo shilin ama in la xiro muddo 6 bilood ah.