DHAGEYSO:Milkiilaha goob lagu caweeyo oo ku taalla Kirinyaga oo xabsiga ku jiri doono 20 cishe

0
215

Waxaa muddo 20 cishe ay ciidamada ammaanka xabsiga ku hayn doonaan milkiilaha goob lagu caweeyo oo ku taalla tuulada Kangai ee degmada Mwea ee ismaamulka Kirinyaga.
Tani ayaa timid ka dib markii ugu yaraan 10 qof oo halkaasi khamri ka cabbay ay dhinteen halka shan kalena ay aragga lumiyeen.
Maxkamadda Baricho ee Kirinyaga ayaa amar ku bixisay in John Muriithi Karaya oo ku magacdheer ‘California’ lagu hayo saldhigga booliiskaee Kiamaciri ilaa iyo inta ay ciidamada booliiska ka soo gabagabeynayaan baaritaannada ka dhanka ah.
Waxaa uu qorshuhu yahay in ay maxkamadda kiiskan soo qaado 7-da bisha Saddexaad ee sanadkan.
Tallaabada lagu xiray sidoo kalena maxkamadda lagu soo taagay Karaya ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale ay shacabka tuulada Kangai dab qabadsiiyeen goobtii lagu caweynayay.
Dadweynaha ayaa saraakiisha ammaanka ku eedeyay in aynan si adag ula tacaallin ka ganacsiga iyo isticmaalka khamriga sharci darrada ah.
Isku duwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka Bartamaha dalka Fredrick Shishia ayaa sheegay in John Muriithi Karaya lagu soo oogi doono dacwad la xiriirta inuu dil gaystay.

Madaxa fulinta ee ololaha qaran ee la dagaallanka isticmaalka maandooriyaha ee (NACADA) Dr. Anthony Omerikwa oo goobta tagay ayaa sheegay inay baaritaano ku sameynayaan khamrigii ay dadku ku dhinteen si loo hubiyo qaabkii loo sameeyay iyo waxyaabihii la adeegsaday.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlgallada ka dhanka ah balwadda ay sii socon doonaan.