Mas’uuliyiinta ururka ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha warbaahinnada ee (MOA) ayaa ka soo horjeestay in la saaro canshuur ah boqolkiiba 15 oo la xiriirta xayaysiimaha khamriga iyo cayaaraha baqti nasiibka ah.
Ururkan oo ay hoggaaminaysa guddoomiyahooda Agnes Kalekye ayaa dareenkooda la wadaagay guddiga maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaale ee baarlamaanka.
Waxay ka ra’yi dhiibanayeen hindisaha maaliyadeed ee Finance Bill 2023.
Kalekye ayaa guddiga uu hoggaamiyo xildhibaanka deegaanka Molo Kimani Kuria u sheegtay in canshuurta dheeraadka ee dhanka xayeysiimaha ah ay warbaahinta wadanka u horseedi karto khasaare hantiyadeed iyo shaqooyin la lumiyo.
Sidoo kale waxay ka soo horjeesteen soo jeedinta ah in qofka shaqeeya iyo shirkadda uu ka howlgalo laga jaro boqolkiiba min saddex si lacagtan loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Waxay milkiilayaasha warbaahinnada doonayaan in qodobkan meesha laga saaro ama shaqaalaha looga dhigo mid ay doorbidi karaan oo aan qasab ku ahayn sidoo kalena aan dusha laga saarin shirkadaha loo shaqeeya.
Ururka milkiilayaasha warbaahinnada dalka ayaa sidoo kale ka soo horjeestay in canshuur ah boqolkiiba 15 lagu soo rogo dakhliga ay helaan dadka macluumaadka ku soo gudbiyo baraha dhijitaalka ah.
Dhanka kale mas’uuliyiinta 15 ka mid ah ururrada shaqaalaha dowladda ayaa ka soo horjeestay soo saaridda hindise maaliyadeedka sanadkan.
Waxay sheegeen in haddii baarlamaanka uu qorshahan ansixiyo ay ku dhaqaaqi doonaan shaqo joojin qaran.
Ururradan ayaa guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetangula u gudbiyay codsi ay ku doonayaan in golaha xeer dejinta uunan ansixin hindisaha walaaca laga muujinaya.