DHAGEYSO:Mike Sonko oo dacwad geynaya maxkamadda bariga Afrika

0
406

Barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko ayaa sheegay inuu dacwad u gudbinaya maxkamadda cadaaladda ee bariga Afrika.
Sidoo kale waxaa uu maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court u gudbiyay codsi ah inay dib u eegis ku sameyso go’aan ka soo baxay Jimcihii.
Guddi garsoorayaal ah oo ka kooban 7 xubnood ayaa 15-kii bishan ayiday go’aankii bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii ay wakiillada ismaamulka Nairobi xilka uga qaadeen Mike Sonko.
Xaakinnada ay hoggaaminaysay madaxa cadaaladda dalka Martha Koome ayaa sheegay in xilka qaadistii Sonko oo uu sidoo kale ansaxiyay aqalka sare loo maray qaab sharci ah.
Hasa ahaate siyaasigan oo doonaya inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan uu u tartamo xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Mombasa ayaa sheegaya inuunan weli qancin.
Waxaa uu qareenadiisa ku wargeliyay inay dacwad racfaan ah geyaan maxkamadda bariga Afrika oo uu rajeynayo inuu cadaalad ka helo.