Sheekh Cabdicasiis Dhaqane oo ka mid ah ducaadda ismaamulka Mandera ayaa dhallinyarada isticmaala baraha bulshada ugu baaqay inay joojiyaan kicinta colaad beeleedyada.
Waxaa uu da’yarta ku boorriyay inay ka waantoobaan fidnada qabyaallada ku saleysan.
Sidoo kale sheekh Cabdicasiis Dhaqane ayaa beelaha wada dego Mandera ku boorriyay inay ka gudbaan isku dhacyada u dhexeya ee soo noqnoqday.